HADAFKII IIGU WAYNAA SANDKA 2022 EE AAN XAQIIJIYAY!!!ππ
![]() |
| Maalinta qalinjabinta 27da Oktobar,2022 |
Bilawga
sanadkasta oo cusub waxaa jira hadafyo ay qof kastaa dhigato. Hadafkii iigu waynaa
oo aan xaqiijiyay sanadka 2022 waxa uu ahaa in aan dhameeyo barashada taqasuska
cilmiga adeegga Bulshada(Bachelor of Social work) isla markaana aan naoqdo xirfadle adeege
Bulsho ah(professional social worker).
Bilawgii Jaamacadda
May,2018kii ayaan kasoo qalin badashtay iskuulkaygi hoose, dhaxe iyo sare ee Altadaamun ex(Wadajir sare). Ilaa iyo yaraanteydii waxaan ku hamin jiray in aan dadka caawiyo lkn maanan garaneynin cilmi labarto kaas oo dadka lagu caawiyo. Nasiib wanaag waxaa ii suurta gashay oo Ilaahay i waafajiyay in aan barto cilmiga Adeegga Bulshada(Social work) kaas oo aan ku taaami jiray. Faarax Maxamed Shiiqow waxa uu ahaa qofkii ka danbeeyay Ilaaahay ka sokow in aan noqdo qofka aan maantay ahay, waana qofkii igu dhiiri galiyay in aan barto Cilmigga Adeega Bulshada.
![]() |
| Difaacashada buuga qalin jabinta 15ka ,June,2022 |
September, 2018 ayaan ku biiray Jaamaccdda Muqdisho halkaas oo aan ka bilaabay barashada cilmiga adeegga Bulshada(Socal work). Xiisadii ugu horeesay ee aan qaatana waxa ay ahayd maado lagu magacaabo (Islaamic Social work). Maadaama taqasuska uu cusbaa oo aan ahayn ardaydii ugu horeysay ee barata cilmiga adeegga bulshada fahamka maadadda aad buu u yaraa, Sidaa darted waxa aan saaxiib ka dhigtay macalimiintayda iyo buugaagteyda si aan faham dheeraad ah uga helo maadada oo aan xiiso gaar ah u qabay. Sidookale waxa aan markastaa ka baari jiray macluumaad dheeraad ah internetka.
![]() |
| ustaad Salaado iyo Anigaπ |
Salaado Xuseen Axmed(Goley) waa macalimadaydii jaamacadda isla markaana waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa safarkryga wax barashada ee jaamacadda. Wax dhigista waxa ay ii soo bilawday markii aan ahaa semester one. Maadadii ugu horeysay oo ay ii dhigtayna waxa ay ahaeyd hordhaca Adeegga Bulshad(Intorduction to Social work) sidookale waxa ay ii soo noqtay supervisor buugayga qalin jabinta.
![]() |
| ustaad Salado oo cashir sharaxeeso π |
Macalimad kaliya iima aysan ahayn runtii waxa ay ii ahayd saaxiib iyo tusaale wanaagsan oo aan ku daydo markastaa. Waxa aaan aad uga heli jiray hab sharaxaadeeda iyo qaabaka fudud ee ay ardayda cashirka u fahamsiiso iyada oo mar kastaa keeni jirtay tusaaleyaal cad cad oo bulshadeena ka dhex jira. Sidookale waxa ay isku xiri jirtay casharka iyo dhibaatooyinka bulshada markaa heesta si fahamka ardayda uu kor ugu kaco. Waxa ay taqasuska Adeegga Bulshada(Bachelor of Social work) ka soo baratay dalka Uganda jaamacadda (Islamic Universityof Uganda) haddana waxa ay darajada labaad ee masterka ka diyaarisaa Jaamacadda Upeace taqasuska (International Law and Human Rights).
- Bulshada oo aan faahm guud ka heesan waxa uu yahay Adeegga bulshada(social work) is la markaana kugu oronaya markii aad u sheegto waxa aad barato “qofkastaa ayaa bulshada u adeega maxaad waqtiga 4ta sano ah iskaga dhuminaysaa maad wax kale iska baratid."
- Xaruumaha baraatikada aan u aadi jiray oo iyaga xatee fahamsanaeen taqasuska Ageegga Bulshada markii aan u tagona I dhihi jiray “maxaad soo doontay, maxaad qabanee”IWM
Fursadihii.
- Waxa aan la soo shaqeeyaya Hay’ado waa wayn ka dib markii aan sameyay field paractcums iyo internships. waxaan sameestay newtwork saaxiibo aad ufarabadan
- Waxaan nasiib u
yeeshtay in aan si dhow ugula shaqeeyo barnaamujyo badan Wasaarada Hawenka iyo
Horumarinta Xuquuql Aadanaha
- Waxaan ka qeebgalay intii aan ardayga ahaa shirar waaween ku waas oo looga hadlaayay danaha bulshada sida Haweena,Caruurta, Naafada iyo dhalin yarada.
Ugu
horeen waxaan u mahad celinayaa ALLAh SW oo I waafijiyay in aan barto
cilmigaan social work noqdana sical worker. Marka xigta waxaan u mahad
celinaayaa dhamaan family gayga ku waas oo ii muujiyaay garab istaag iyo dhiiri
galin la' aan toodna aanan heerkaan soo gaari lahayn.
Sidoo kale
waxaan u mahadcelinayaa oo aan mahad balaaran u soo jeedinayaa Wasaarada
Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Aaadanaha iyo UNICEF ku waas oo la haa yeen
fikradda ka danbeysay in la keeno cilmgaan dalka(Somalia) iyo dhamaan dadkii kala duwnaay ee qaybta
wayn ka qatay sidii loo hirgalin lahaa cilmigaan.
Sidoo
kale waxaan u mahad celinayaa Jaamacada Muqdisho guud ahaan, gaar ahaana
waxaan u sii mahadcelinayaa macalimiintii kala duwnaay ee wax isoo bartay laga
soo bilaabo semester one ilaa iyo semester eight waxaan idin leeyahy abaal kiinna
ma gudi karo ee Allaha idinku abaaal mariyo Jannadiisa. Aamiin aamiin
![]() |
| sawir wadareed: muujinaya dufcadii ugu horeesay ee Adeegayaasha Bulshada ee Jaamacadda Muqdishoπ |
HAMBALYO, HAMBALYO , HABALYO
Ilaahay sanadkaan inoo curtay kheerkiisa hana waafaiyo,shartiisana Allaha na hareer mariyio. Aamiin aamiin π€²





Masha Allah guuleyso sxp sanadkan allaha noga dhigo sanadki aan horumarka sameyn lahen
ReplyDelete