HADAFKII IIGU WAYNAA SANDKA 2022 EE AAN XAQIIJIYAY!!!😊😊


Maalinta qalinjabinta 27da Oktobar,2022


Bilawga sanadkasta oo cusub waxaa jira hadafyo ay qof kastaa dhigato. Hadafkii iigu waynaa oo aan xaqiijiyay sanadka 2022 waxa uu ahaa in aan dhameeyo barashada taqasuska cilmiga adeegga Bulshada(Bachelor of Social work)  isla markaana aan naoqdo xirfadle adeege Bulsho ah(professional social worker).

Bilawgii Jaamacadda

May,2018kii ayaan kasoo qalin badashtay iskuulkaygi hoose, dhaxe iyo sare ee Altadaamun ex(Wadajir sare). Ilaa iyo yaraanteydii waxaan ku hamin jiray in aan dadka caawiyo lkn maanan garaneynin cilmi labarto kaas oo dadka lagu caawiyo. Nasiib wanaag waxaa ii suurta gashay oo Ilaahay i waafajiyay in aan barto cilmiga Adeegga Bulshada(Social work) kaas oo aan ku taaami jiray. Faarax Maxamed Shiiqow waxa uu ahaa qofkii ka danbeeyay Ilaaahay ka sokow in aan noqdo qofka aan maantay  ahay, waana qofkii igu dhiiri galiyay in aan barto Cilmigga Adeega Bulshada.

Difaacashada buuga qalin jabinta 15ka ,June,2022

September, 2018 ayaan ku biiray Jaamaccdda Muqdisho halkaas oo aan ka bilaabay barashada cilmiga adeegga Bulshada(Socal work). Xiisadii ugu horeesay ee aan qaatana waxa ay ahayd maado lagu magacaabo (Islaamic Social work). Maadaama taqasuska uu cusbaa oo aan ahayn ardaydii ugu horeysay ee barata cilmiga adeegga bulshada fahamka maadadda aad buu u yaraa, Sidaa darted waxa aan saaxiib ka dhigtay macalimiintayda iyo buugaagteyda si aan faham dheeraad ah uga helo maadada oo aan xiiso gaar ah u qabay. S
idookale waxa aan markastaa ka baari jiray macluumaad dheeraad ah internetka.

ustaad Salaado iyo AnigaπŸ’•

Salaado Xuseen Axmed(Goley)
waa macalimadaydii jaamacadda isla markaana waxa ay baal dahab  ah kaga jirtaa safarkryga wax barashada ee jaamacadda. Wax dhigista waxa ay ii soo bilawday markii aan ahaa semester one. Maadadii ugu horeysay oo ay ii dhigtayna waxa ay ahaeyd   hordhaca Adeegga Bulshad(Intorduction to Social work) sidookale waxa ay ii soo noqtay supervisor buugayga qalin jabinta.

ustaad Salado oo cashir sharaxeeso πŸ’Ÿ

Macalimad kaliya iima aysan ahayn runtii waxa ay ii ahayd saaxiib iyo  tusaale wanaagsan oo aan ku daydo markastaa. Waxa aaan aad uga heli jiray hab sharaxaadeeda iyo qaabaka fudud ee ay ardayda cashirka u fahamsiiso iyada oo mar kastaa keeni jirtay tusaaleyaal cad cad oo bulshadeena ka dhex jira. Sidookale waxa ay isku xiri jirtay casharka iyo dhibaatooyinka bulshada markaa heesta  si fahamka ardayda uu kor ugu kaco. 
Waxa ay taqasuska Adeegga Bulshada(Bachelor of Social work)  ka soo baratay dalka Uganda jaamacadda (Islamic Universityof Uganda) haddana waxa ay darajada labaad ee masterka ka diyaarisaa Jaamacadda Upeace taqasuska (International Law and Human Rights).

 Caqabadihii:

  1. Bulshada oo aan faahm guud ka heesan waxa uu yahay Adeegga bulshada(social work) is la markaana kugu oronaya markii aad u sheegto waxa aad barato “qofkastaa ayaa bulshada u adeega maxaad waqtiga 4ta sano ah iskaga dhuminaysaa maad wax kale iska baratid."
  2. Xaruumaha baraatikada aan u aadi jiray oo iyaga xatee fahamsanaeen taqasuska Ageegga Bulshada  markii aan u tagona I dhihi jiray “maxaad soo doontay, maxaad qabanee”IWM

 

Fursadihii.

  1. Waxa aan la soo shaqeeyaya Hay’ado waa wayn ka dib markii aan sameyay field paractcums iyo internships. waxaan sameestay newtwork saaxiibo aad ufarabadan
  2. Waxaan nasiib u yeeshtay in aan si dhow ugula shaqeeyo barnaamujyo badan Wasaarada Hawenka iyo Horumarinta Xuquuql Aadanaha
  3. Waxaan ka qeebgalay intii aan ardayga ahaa shirar waaween ku waas oo looga hadlaayay danaha bulshada sida Haweena,Caruurta, Naafada iyo dhalin yarada.


Mahadcelin 

Ugu horeen waxaan u mahad celinayaa ALLAh SW oo I waafijiyay in aan barto cilmigaan social work noqdana sical worker. Marka xigta waxaan u mahad celinaayaa dhamaan family gayga ku waas oo ii muujiyaay garab istaag iyo dhiiri galin la' aan toodna aanan heerkaan soo gaari lahayn.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa oo aan mahad balaaran u soo jeedinayaa Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Aaadanaha iyo UNICEF ku waas oo la haa yeen fikradda ka danbeysay in la keeno cilmgaan dalka(Somalia)  iyo dhamaan dadkii kala duwnaay ee qaybta wayn ka qatay sidii loo hirgalin lahaa cilmigaan.

Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa Jaamacada Muqdisho guud ahaan, gaar ahaana waxaan u sii mahadcelinayaa macalimiintii kala duwnaay ee wax isoo bartay laga soo bilaabo semester one ilaa iyo semester eight waxaan idin leeyahy abaal kiinna ma gudi karo ee Allaha idinku abaaal mariyo Jannadiisa. Aamiin aamiin

sawir wadareed: muujinaya dufcadii ugu horeesay ee Adeegayaasha Bulshada ee Jaamacadda Muqdisho😍 
Balanteenu waa in aan bulshadeena ugu adeegno cilmigii aan soo baranay si daacad ah.

HAMBALYO, HAMBALYO , HABALYO

Ilaahay sanadkaan inoo curtay kheerkiisa hana waafaiyo,shartiisana Allaha na hareer mariyio. Aamiin aamiin 🀲

 

 

 

 

Comments

  1. Masha Allah guuleyso sxp sanadkan allaha noga dhigo sanadki aan horumarka sameyn lahen

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

The Nascence of Social Work Education in Somalia, Challenges, Opportunities and the Way Forward (2018–2026).

My reflection on the Blog Writing and Storytelling Training: "The month that my blogging dream came true"